Waa maxay Digital Marketing?

Casrigan aynu joogno ee tignoolajigu saamaynta badan leedahay, waxaa lagama maarmaan ah in ganacsiyadu aya la jaanqaadaan ka faa’iidaysiga intarneedka. Digital Marketing waa fiil hab cusub oo aad u balaadhan kaa soo kor u qaaday sida ay u wada xidhiidhaan shirkadaha iyo macaamiishoodu. Maqaalkan waxaa ku faaqididoonaa macnaha Digital Marketing iyo faa’iidooyinka uu uleeyahay shirkadaha.

 

Waa maxay Digital Marketing?

 

Sikooban hadii aynu u sheegno waa Suuqganta alaabaha iyo adeegyada iyada oo la isticmaalayo interneedka. Sidoo kale digital marketing ku  waa hababka iyo xirfadaha loo isticmaalo suuqagaynta alaabada iyadoo la marinayo janaladda kala duwan ee interneedka. Waxa ay koobsanaysaa isticmaalka aalado iyo balaaddfoomyo kala duwan kuwaas oo kuu sahlaya in aad gaadho, la xidhiidho ama aad waxa ka iibiso dad kaa fog.

 

 

Dhinacyada ugu muhiimsan Digital Marketing.

 

 

  1. Search Engine Optimization (SEO) : Waa in Website aad ku yeelato internetka isla markaan uu ka soo muuqdo website kagu xaga ugu horaysa ee mareegaha waxa laga baadho sida Google iyo Bing.

 

  1. Social Media Marketing: Waa in aad ciwaano ku yeelato baraha bulshada isla markaana aad soo dhigto xaysiisyo soo jiidasho leh si aad u hesho macaamiil kugu xidhan oo waxa kaa iibsata.

 

  1. Content Marketing: Waa aad samayso muuqaalo fiidyow ah, maqaalo qoraal ah, Sawiro iyo farshaxano soo jiidhasho leh si aad u soo bandhigto adeegyada iyo alaabta aad iibinayso.

 

  1. Email Marketing: Waa in aad suuqgayso adeegaga ama laabtaada adiga oo adeegsanaya

Emailada aad kahayso macamiishaada kala duwan.

 

Faa’iidooyinka uu leeyahay Digital Marketing.

 

  1. Macaamiil Tiro badan: Marka aad wax ku iibinyaso interneedka waxaa aad awood u leedahay in aad waxa ka iibiso malaayiin macaamiilah oo u baahan adeegaaga, macaamiishan oo kala joogta dhamaan daafaha dunida.

 

  1. Doorasho Cayiman : Adeegsiga suuqgaynta interneedku waxa uu kuu saamaxayaa in aad doorato cida saxda ah ee aad rabto in aad wax ka iibiso, adigaa awaad u leh in aad qeexdo halka ay joogaan, dadooda, jinsigooga, waxyaalaha ay xidhiseeyaan IWM.

 

  1. Qiima macmuulah: Markaa la barbar dhiga suuqgaynta caadiga ah, Suuqgaynta casriga ah waxa ay kuu saamaxaysaa in aad qiima jaban ku iibinkarto karto alaabtada.

 

  1. Natiijooyin lacabirkaro: Suuqgaynta casriga ah waxay leedaha barnaamijo iyo borogaraamyo sisax ah kugu cabiraya qarashaadka kaagalay iyo faa’iidada ka soo baxaday inta ayleegtah. Tanina waxa ay kuu sahlaysaa in aad goo’aamo sax ah qaadankarto mustaqbalka marka aad suuqgayn samaynayso.

Gababadii

Digital Marketing waa hab casriah oo waxa badan ka badashay suuqganta ama Marketing ka, waa fursad cusub oo awood siinaysa ganacsatada dhamantood. Hadii aad ku dadaasho dhinacyadaa kala duwan ee digital marketing wax aad gaadhsiinkartaa shirkadaada heer aad u sareeya, waxaanad awood u yeelanaysaa in aad maacmiil ku yeelato magaalooyink aad kaga fog oo waxa kaa iibsada. Sidaa darteed, hadii aad tahay shirkada yar ama kambani wayn waxaa lagama maarmaan ah in aad hada bilowdo ka faa’iidaysiga interneedka oo aad raaca hore kagasho.

//sumadsan.com/wp-content/uploads/2023/05/okeuy-8.png